June 22, 2020 | Posted by admin

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jira ayaa Maanta kulan ku yeeshay Mareegta Internet-ka gaar ahaan aalada Zoom-ka iyo WhatsApp.

Warar la helayo ayaa sheegaya in kulankaas uu shir Guddoomiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi, ayna ka qeyb galeen Madaxweyneyaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Puntland iyo Gobolka Banaadir.

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa khadka uga jiray dhanka WhatsApp-ka, waxaana markii dambe dhanka WhatsApp u soo wareegay Madaxweyne Waare iyo Qoorqoor, kadib markii uu ka xumaaday qadka Zoom-ka.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheeagay in kulanka inta uu socday looga hadlay goobta iyo waqtiga la qabanayo shirweyne la filayo inay yeeshaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobaleedyada.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Cudurka halista ah ee Coronavirus iyo saameeynta uu geystay Cudurka, maadaama uu siweyn ugu faafay dalka.

Si kastaba Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalmo kahor shir isugu yeeray Madaxda maamul Goboleedyada, si looga wada hadlo hanaanka Doorashada iyo Khilaafyada siyaasadeed ee jira

COMMENTS