June 22, 2020 | Posted by admin

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta dib u dhigay ka doodista Maqaamka Gobalka Banaadir oo maanta la dhowrayay in Goloha shacabka ay ka shiraan.

dib ayaa Loo dhigay dooda ku saabsan maqaamka Gobalka Banaadir oo Horay muran badan uga taagnaa, ka dib markii Guddiga Golaha shacabka u xilsaaran dhamaystirka xeerka Doorashooyinka ay soo saareen Metelaada Gobalka Banaadir, taas oo muran badan dhalisay.

Xildhibaanada ayaa Maanta dib udhigay doodaas waxa ayna ka doodayaan xeerka Kuraasta Goballada waqooyi, iyo sida ay ku dhici karto Doorashada xildhibaanada ka soo jeeda Goballada waqooyi.

si gaar ah ayaa maanta loo dhoorayay Dooda golaha shacabka Maadaama ajandaha Lagu daray dooda maqaamka Gobalka Banaadir.

COMMENTS