October 9, 2021 | Posted by admin

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Saraakiil Mareykan ah uu hoggaaminayay Taliyaha howlgalka Mareykanka ee Somalia Col. Thomas Sarrouf.

Kulankan ayaa looga hadlay dardar gelinta howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo taageerida Mareykanka uu siiyo Soomaaliya.

Magaalada Kismaayo ayaa ka mid ah goobaha saldhigyada ku leeyihiin Ciidamada Mareykanka ee qeybta ka ah howlgalka AFRICOM

COMMENTS