October 7, 2021 | Posted by admin

Iyadoo shalay uu is casilay Wasiirkii Amniga Galmudug Axmed Macalin fiqi Ayaa waxaa Soo baxaya warar ku saabsan is casilaada Fiqi.

Xog ay heshay Warbaahinya Madaxbanaan ayaa Muujinaysa in Sababaha uu isku casilay Wasiirkii Amniga Galmudug Ahmed Moalim Fiqi aysan wax xiriir ah la laheyn arinta Ahlusunna iyo Galmudug.

Iscasilaada Wasiir Fiqi ayaa xogtu sheegeysaa in ay ku qotonto khilaaf dhexmaray isaga iyo Madaxweyne Qoorqoor kaas oo salka ku haya Kursiga Xillibaan heer Federal ee Wasiir Fiqi ku fadhiyay 4 sanno.

Ahmed Macallin Fiqi ayaa mar kale doonayay in kursigaan dib ugu soo laabto una tartamo lkn Qoorqoor ayaa xogtu sheegeysaa in Kursigaas uu qorsheeyay in lasiiyo Madaxweynihii hore Galmudug Xaaf si loo maareeyo khilaafka ka dhashay Kursiga Aqalka Sare oo ay isku heystaan Cabdi Qaybdiid iyo Xaaf.

Xogta ayaa intaa ku dareysa in Wasiir Fiqi uusan ku qancin qorshaha Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor uu kursigiisa gorgortan ku galiyay, kadibna uu qaatay go’aanka uu iskaga Casilay xilka Wasiirka Amniga Galmudug.

COMMENTS