September 14, 2020 | Posted by admin

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa xalay hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku martiqaaday Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni.

Labada Madaxweyne ayaa waxaa soo kala dhex galay is-maandhaaf iyo mad-madow ka dhashay shirkii Dhuusamareeb 3 oo uu ka baaqsaday Madaxweyne Deni.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in labada Madaxweyne ay muujiyeen isku soo dhowaansho, meeshana ka saareen wixii kala aragti duwanaan ee jiray.

Waxaa laga wada hadlay in laga wada shaqeeyo heshiiskii Dhuusamareeb 3, iyo sidii qodobada u baahan dib u eegista la bilaabo in laga wada xaajoodo.

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa horay u qaadacay heshiiskii Dhuusamareeb 3 oo ay ka maqnaayeen Puntland iyo Jubbaland.

Shirka maalintii labaad ka socda Muqdisho ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa qodobada saldhiga u ah ee laga doodayo waxaa ku jirta heshiiskii Dhuusamareeb 3.

COMMENTS