September 14, 2020 | Posted by admin

Waxaa Maalintii labaad ka socda Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya Shirka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Shirka oo shalay furmay ayaa waxaa diirada lagu saarayaa arrimaah la xiriira doorashada sidoo go’aan rasmi ah looga gaari lahaa si loo qabto doorasho laga wada heshiiyay.

Shirka Maalintii labaad socda ayaa wararka la helayo waxaa ay sheegayaan in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay soo bandhigeen qodobada qaar oo ay aksoo horjeedaan ee kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb 3.

Dhamaan dhinacyada ayaa si adag waxaa ay uga doodayaan arrimaha doorashada oo ah muhiimada shirka loo qabtay,waxaana maanta la filayaa in si aan caadi aheyn inay mas’uuliyiinta uga hadlaan arrimaha doorashada.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa Madaxwyene Farmaajo iyo Madaxda Dowlad goboleedyda, galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed shir ay ku yeesheen ka soo saaray nooca ay noqoneyso doorashada Soomaaliya, hayeeshee waxaa qaadacay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland taas oo keentay in shir kale lagu qabto Magaalada Muqdisho.

Shacabka Soomaaliyeed iyo Saamileyda Siyaasadeed ee dalka ayaa isha ku haya Shirka ka socda Muqdisho halka Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ay kor kala socdaan shirka, iyaga oo Madaxda culeys ku saaraya inay heshiis gaaraan.

COMMENTS