June 9, 2015 | Posted by admin

Waxaa saaka ku shiraya caasimada Abuja ee dalka Nigeria, taliyayaasha ciidammada dalalka Nigeria deriska la ah, iyaga oo ka arrinsanaya dagaalka ka dhanka ah Boko Xaraam.
Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee dhaca tan iyo markii xukunka Nigeria uu la wareegay madaxweyne Muxamadu Buhari.
Taliyaha ciidammada Nigeria ayaa marti gelinaya taliyayaasha dhigiisa ah ee dalalka Chad, Cameroon, Niger iyo Benin.
Guul laga gaaro dagaalka ka dhanka ah Boko Xaraam ayaa waxaa muhiiim u ah wada shaqeyn dhex marta dalalkaasi.
Is-aaminaad la’aan soo kala dhex gashay dalal badan oo gobalka ah, ayaa mar hoos u dhigtay weeraradii ay qaadayeen ciidammada Nigeria.
Bishii hore, madaxwyenaha dalka Chad, Idris Deby, ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in ciidammada Nigeria iyo Chad aanay wada shaqeyn lahayn, isaga oo horeyna aad u dhaliilay dowrka ciidanka Nigeria uu ka qaadanayay dagaalka Boko Xaraam.
Madaxweynaha cusub ee Nigeria Muxamadu Buhari, ayaa isla markii loo dhaariyay xilka sheegay in wada shaqeynta dalalka gobolka ay muhiim tahay.
Si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Boko Xaraam ayuu madxweynuhu amray in xarunta taliska ciidan ee Nigeria loo bedelo magaalada waqooyi bari dalkaasi ku taalla ee Maiduguri, halkaasoo udub dhexaad u ah kacdoonka Boko Xaraam. Ciidanka Nigeria ayaa sheegay in haatan ay ku dhaqaaqeen talaabadaasi.
Madaxaweyne Buhari ayaa doonaya taageero caalami ah oo dheeraada in laga siiyo dagaalka ay Nigeria kula jirto Boko Xaraam.
Buhari oo ka qeyb galyay shir madaxeedka G7, ayaa sheegay in Nigeria ay dooneyso in xog laga siiyo xiriirka Boko Xaraam ay la leedahay ururka Daacish iyo sidoo kale tababarada iyo hubka ay heysato.

COMMENTS