June 9, 2015 | Posted by admin

Dagaalama-yaasha Ururka Al Shabaab, ayaa xalay weerarkii ugu horeeyay ku qaaday deegaanka Toora Toorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, xilli lagala wareegay 2-dii bishaan.

Xoogaga Al Shabaab, ayaa laba jiho ka soo weeraray fariisimaha Ciidamada Dowladda iyo Amisom ku lee yihiin deegaankaasi, waxaana la soo sheegayaa in labada dhinac hubka cul culus isku adeegsadeen.

Ciidamada Huwanta, ayaa Ururka Al Shabaab ka hor joogsaday inay gudaha u soo galaan deegaankaasi, waxayna ku khasbeen inay dib ugu laabtaan goobihii ay weerarada ka soo qaadeen.

Weerarkan, ayaan la garanayn khasaaraha labada dhinac ka soo kala gaaray, iyadoo dhanka kalana aan la soo sheegin wax rayid ihi oo ku waxyeeloobay hubkii ay labada dhinac isku adeegsadeen.

Gudoomiyaha deegaanka Toora Toorow, Gaabow Buulo Xasan, ayaa sheegay inay si adag ula dagaalami doonaan Ururka Al Shabaab, si looga sifeeyo Toora Toorow iyo deegaanada kale ee ku dhow dhow.

Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ayaa Arbacadii waxay isku fureen wadada xiriirisa Toora Toorow iyo Degmada Wanlaweyn, iyadoo inta u dhaxeyso ay jooggi jireen Shabaabka.

COMMENTS