April 26, 2015 | Posted by admin

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa sheegay in dhawaan dib loo furi doono xawaaladaha Soomaalida ee dalka Kenya, kadib markii Dowladda Kenya ay xirtay xawaaladahaasi.

Cumar C/rashiid oo Saxaafadda Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay kawada hadleen arintaasi, islamarkaana madaxda Kenya ay u sheegeen in si deg deg ah loo furi doono xawaaladaha.

“Waxaan u muujinay in adeega xawaaladuhu ay ku tiirsan yihiin nolosha boqolaal kun oo Soomaali ah, kuwaas oo ku nool lacagaha ehelkoodu uga soo diraan dibadda. Waxaana kala hadalnay dowladda Kenya in dib loo furo Xawaaladaha, waxana rajeynaynaa in todobaadyada soo socda dib u howlgeli doonaan, iyagoo waafaqsan shuruucda ay ku shaqeeyaan Bangiyadu” ayuu yiri R.W Sharmarke.

Kenya ayaa sababta ay u xirtay xawaaladaha Soomaalida ee dalkaasi, waxaa lagu sheegay in Shabaab loo soo mariyo lacago.

COMMENTS