April 15, 2015 | Posted by admin

150414111957_marzieh_afkham_512x288_afp_nocreditMarzieh Afkham, waa haweenay aad u cadcad

Dawladda Iran ayaa magacaabaysa danjiraheedii u horeeyay ee Haweenay ah, tan iyo wixii ka dambeeyay kacaankii 1979.
Wakaaladaha wararka ee ka agdhaw dawladda ee Fars iyo Mehr, waxa ay sheegayaan in aysan cadayn in jagadaasi aysan heli doonin Marzieh Afkham, oo ah haweenay afhayeen u ah wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran.
Afkham waxa ay ka mid tahay haweenka ugu caansan Iran.
Haddii la magacaabo waxa ay noqon doontaa haweenaydii labaad ee Iraniyad ah ee noqota safiir.
Mehrangiz Dolatshahi ayaa noqotay dan jirihii Iran u fadhiyay Denmark todobaatameeyadii(1970-meeyadii)
Madaxwayne Xasan Rawxaani waxa uu balan qaaday in uu hagaajin doono xuquuqda haweenka, markii uu ku jiray ololaha doorashada sanadkii 2013-kii

COMMENTS