April 15, 2015 | Posted by admin

140809174313_turkey_flag_512x288_reuters_nocredit
Qolyaha deegaanka u ol’oleeya ayaa mudaaharaad ka horsameeyay goob uu dhagax dhigayay Wasiirka tamarta ee Turkiga, oo laga samaynayo warshadii u horaysay ee Koronto Nukliyeerka laga dhalinayo.
Mudaaharaadyaashu waxa ay isku dayeen in ay masuuliyiinta ka hor istaagaan goobta dhagaxdhiga, balse waxaa lagu kala eryay biyo kulul.
Warshadaas oo ay ku kacayso labaatan bilyan oo doolar, oo laga dhisayo gobolka bariga ku yaala ee Mersin, waxaa dhisi doona shirkadda Nukliyeerka ee Ruushka ee Rosatom.
Waxa ay qayb ka tahay saddex warshadood oo koronto ka dhalinaya Nukliyeer, kuwaas oo looga gol leeyahay in Turkigu uu ku yareeyo ku tiirsanaanta Korontada uu soo iibsado.
Laakiin qolyaha dhaliishan waxa ay sheegayaan in ay goobtaasi ay tahay meel u nugul dhulgariir, ayna ku badanyihiin duurjoogta.

COMMENTS