June 28, 2015 | Posted by admin

Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Galmudug mudane Cali Gacal Casir oo markii ugu horeesay Wareysi siiyay Warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in qorshahooda ugu horeeyo ay tahay sidii ay wadahadal ula furi lahaayeen Ururka Ahlu Sunna Waljameeca.

Waxa uu xusay Gudoomiyaha in ay hor taalo howlo badan oo adag waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in wax walbo wadahadal iyo xal lagu dhameyn doono ayna la fadhiisan doonaan Masuuliyiinta Ururka Ahlu Sunna Waljameeca.

Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Galmudug mudane Cali Gacal Casir oo wax laga weydiiyay halka Maamulkooda xarun u noqon doonto ayuu sheegay in mar walbo tix galin doonaan rabitaan shacabka ku dhaqan Goblada Dhaxe.

Hadalka Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Galmudug ayaa imaanaya xili Ururka Ahlu Sunna Shir ay sheegeen in maamul ugu dhisayaan Gobolada Dhaxe ay ka fureen Magaalada Dhuuso Mareeb oo la qorsheenayay in xarun u noqooto Maamulka Cadaado lagu dhisayo.

COMMENTS