June 28, 2015 | Posted by admin

Nabi ibraahim c.s.w, abtiriskiisa waxuu gala duudkii Saam Bin Nuux .. ibraahim waxaa la dhashay walaalo la kala oran-jiray Naaxuur iyo Haraan .. Haraan waxuu dhalay nabi Luud c.s.w

Nimanka taariikhda qora waxay sheegaan inu ku dhashay dhulka Baabilyoon ( Ciraaq) oo dabadeed halkaas ku guursaday Saara, hasa ahaate waqtiyadaas waxay ahayd ma dhaleys oo wax ilmo ah ma laheyn.

Alle Ibraahim wuxuu u doortay inu dusha u rito xilka ka sifeynta dadka shirkiga iyo xumaha waagaas .. Alle waxuu siiyey xikmad isago yar, oo u soo diray rasuul ahaan oo ka yeeshay gacal xabiibki ah (khaliil) .. dabeeto ibraahim baaqiisi kowaad waxuu ka bilaabay una jeediyey xaga aabihi oo caabudaayey Sanamo, oo u sharxay sida u ugu gafsan-yahay caabudiida Sanamyada aan lahayn awood ay wax ku maqlaan kuwa baryaya .. wuxuu ugu yeeray aabihi inu raaco islaamka, hasa ahaate aabihi waa diiday inu soo galo islaamka, balse ugu goodiyey inu dhagxeyn-doono haddii usan ka harin warka u la wareegaayo .. ibraahim oo jawaabaya ayaa aabihi ku yiri: wax dhib ah kaama soo gaari-doonaan xageyga oo waxaan kaaga baryi-doonaa dhambi dhaaf Rabbigay.

Maalin maalmaha ka mida ayaa mushrikiinti yeesheen ciid oo dabaal-dag darteed magalada dibadeeda u baxeen, laakiin ibraahim maalintaas waa ka haray oo ma raacin, oo waxuu aabihiis ku yiri aniga waan jiranahay oo idin ma raaci karo .. ibraahin intu Asnaamti u soo galay ayuu faas la dhacay oo ka dhigay cardaadiqada kii ugu weynaa sanam-yadana faaskii garabka ugu laalay.

Gaaladi mushrkiinti markay ka soo noqdeen dabaaldagi waxay la kulmeen Asnaam-toodi oo burbursan, oo yiraahdeen: yaa sidaan u galay ilaah-yadeena, dabadeed hadey is weydiyeen waxaa la garaty in sidaan qofka wax u galay inu yahay wiilka ibraahim oo horay Sanam-yada wax ka sheegi-jiray.

Ibraahim waxaa la keenay golihii dadka hortiisa si ay u dhageystaan waxa uu leeyahay oo goob joog uga ahaadaan arinkaan, iyo sido kale iney u arkaan go’aanka laga qaadan-doono, waxaana la weydiiye ibraahim oo lagu yiri: Ma adigaa sidaan u galay ilaah-yadayada? waxuu ku jawaabay oo yiri: waxaa sidaas u galay kooda ugu weyn. ee weydiiya hadey hadli-karaan, waxay gaaladi ku yiraahdeen; waad ogtahay ineysan kuwaan hadline ee sidee nooga dalbi-karta inaan wax weydiino, markaasu yiri; dee maxaad u caabudeysaan wax aan hadli-karin ee hadey saas tahay isu dhiiba alle kaliya oo ha u shirki-yeelina.

Mushrikiinti waxay bilaabeen iney xaabo meelksta ka keenaan oo ku soo aruuriyaan muddo dheer, waxayna bilawday dabkii iney shidanto oo u ka soo baxo olol weyn sidi ay taabaneyso cirka, dabeeto ibraahim waxay saareen kafad gantaal oo u sameeyey nin la oran-jiray Hezan ee ahaa ninki ugu koreeyey ee sameeya gantaal, alle wuxuu sababay inu ninkaa dhulku liqo, uuna si quusaayo illa maalinta qiyaamaha.

Markii la saaray ibraahim gantaalka isagoo xir-xiran oo lagu ganay dabka,wuxuu yiri: ” “Xasbunallaahu wanicmal-wakiil ” oo micnaheedu yahay alle baa nagu filan oo wakiil iyo difaac wanaagsan leh .. waxaa la soo wariyey markii ibraahim lagu tuuray dabka isagoo weli ku jira hawada aan ku dhicin dabka, Jibriil baa ku soo dhawaaday oo ku yiri: ibraahimow, ma u baahantahay wax kaalmo ah? wuxuu ku jawaabay: haddi ay tahay adiga xagaaga waa May.

Amarka alle ayaa soo deg degay oo Alle yiri: ” Dabkow u noqo qabow iyo nabad ibraahim” waxaana la sheegay in ibraahim waxba gaarin aan ka ahayn xogaa dhidiid ka baxay wajigiisa mooyee

Waxaa la wariyey in ibraahim dabkaas uu ku dhex jiray muddo konton maalmood ah, oo u yiri ma jiraan maalmo ama habeeno iiga fiicnaa nolosheyda marka aan halkaas ku jiray .. Qoonkii ibraahim waxay doonayeen iney ka aargoostaan, balse iyagiibaa la duleeyey.

Markii ibraahim lagu tuuraayey Dabka, ma jirin wax xoolo ah oo arlada dusheeda ah aan isku dayin iney ka damiyaan dabka marka laga reebo Qaaljiso oo ku si shideysay dabka.

Ibraahim, marku ka nabadgaly dhagarti ay la maaganaayeen, waa ka guuray dadkiisi ilaahay darti, isagoo ay la socoto xaaskiisi ma dhaleyska ahayd aan ilmo lahayn, iyo wiilkii u adeerka u ahaa Luud bin haraan, wauuna u haajaray xagaa Suuriya iyo falastiin iyo dhulalka hareerahooda ah.

Ibraahim Alle waxuu ka beeray ubad wanaagsan, oo markii ismaaciil dhashay allaha wuxuu ibraahim ugu bishaareeyey dhalashada wiil kale oo la yiraahdo Isxaaq oo ay dhali-doonto Saarah

COMMENTS