June 23, 2020 | Posted by admin

Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa Maalintii Afaraad oo xiriir ah Maanta kulan ku yeeshay Xildhibaannada Golaha Shacabka,iyaga oo ka doodayay Xeerarka doorashada oo ay u soo gudbiyeen Guddiga soo diyaarinta Xeerarka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xeerka Kuraasta Gobolada Waqooyi.

167 Xildhibaan ayaa ogolaaday xeerkan, 1 Xildhibaan ayaa ka aamusay, wax diiday ma jirto.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay ayaa sheegay in xeerkaan uu ansax yahay,isaga oo u mahad celiyay Xildhibaannada.

COMMENTS