June 23, 2020 | Posted by admin

Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa ka hadlay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay xerada Ciidamada ee turkisom ee Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay Banaanka hore ee xerada tababarka Turkiga ee TurkSom.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Ciidanka Amniga ay toogteen nin doonaye uu isku qarxiyo dhalinyaro ku biirayo ciidamada xoogga oo tababar loo furayo.

Taliyaha ayaa ku sheegay Khasaaraha ka dhashay Qaraxa Labo qof oo uu saddex ku yahay ninka la toogtay in ay ku dhinteen,waxaana uu sheegay in ay jiraan dhaawacyo ka dhashay Qaraxa sidoo kale.

“qof xiran walxaha qarxa ayaa isku dayay in uu soo dhexgalo dhallinyaro Jaamacaddaha kasoo baxay oo doonayay in ay ciidamada kusoo biiraan, balse ciidamada ayaa ka shakiyay iyagoo toogtay ka hor inta aanu soo dhexgalin galin ardayda ” ayuu yiri Gen. Odawaa.

COMMENTS