April 3, 2021 | Posted by admin

Qarax ismiidaamin ah ayaa caawa ka dhacay Muqdisho gaar ahaan Meel udhaw Xarunta Degmada Shangaani ee Gobalka Banaadir.

Dad  ubadan dhalinyaro ayaa ku dhintay Qaraxa waxaana La sheegayaa in dad gaaraya 6 ruux ay ku dhinteen Qaraxa, waxaana dadka dhintay ubadnaa dhalinyaro caanka ahaa Muqdisho.

Sidoo kale dadka dhaawacmay ayaa gaaraya 10 ruux oo dad shacab ah ubadan sida ay wararku sheegayaan.

Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa udhaw Xarunta Degmada Shagaani iyo Saldhiga Boliska Degmada, waxayna sidoo kale udhawdahay Goobta Qaraxu ka dhacay wasaarada Gaadiidka Soomaaliya.

Qof soo xirtay walxaha Qarxa ayaana Goobtaas Qaraxa ka gaystay

COMMENTS