February 19, 2021 | Posted by admin

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay rabshadihii xalay iyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in uu dadaal badan ku bixiyay in uu baaqdo banaanbaxa laakiin ay ka biyo diideen Madaxda Midowga Musharaxiinta oo uu sheegay in ay tilmaameen in dalka aysan ka jirin doorasho.

Rooble ayaa sheegay inuu Markasta Ogolyajay in uu la kulmo Qofkasta oo wax ka tabanaysa Dowladda, waxuuna sheegay inuu Meel wanaagsan marayo Howlaha Xal u helida Siyaasadda Soomaaliy.

Hadalka Rooble ayaa ku soo aadaya xilli xalay weerar Xoogan Lagu qaaday Madaxweynayaashii Hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, saakana Lagu qaaday weerar Xoogan Musharaxiin Banaanbax dhigayay

COMMENTS