February 20, 2021 | Posted by admin

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa ka baaqday safar ay ku imaan lahaayeen Muqdisho, sababa la xiriira amnigooda.

Sida aan kasoo xiganay ilo xog ogaal ah oo ka tirsan madaxtooyada Jubbaland waxaa shalay la qorsheeyay in diyaarad sida ilaalada Axmed Madoobe ay timaado Muqdisho balse kadib dagaalkii iyo banaanbaxii ka dhacay Muqdisho loo baajiyay imaatinka ilaalada Axmed Madoobe oo isna la filayay in uu maanta yimaado.

Dhinaca kale waxaa isna ka baaqday safarkii uu ku imaan lahaa Muqdisho madaxweynaha Puntland Saciid Deni, waxaana sidaas ku baaqday shirkii uu ku baaaqay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo kaas oo la qorsheeyay in uu dhaco 18 ilaa 19 bisha.

COMMENTS