January 25, 2021 | Posted by admin

Wasiirka Warfaafinta XFS CIsmaan Abiikar Dubbe oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa faah-faahiyay khasaaraha ka dhashay dashay Dagaalka ka dhacay Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo.

Dubbe ayaa sheegay in duullaankaas ay wadajir usoo qaaday Ciidanka uu wato Wasiirka Amniga DG Jubbaland Cabdirashiid Janan balse uu ku tilmaamay Jabhad & askarta Kenya oo wada socda si ay u gaaraan damacooda ah gacan ku dhigista Balad Xaawo.

“Ciidamada qaranka ayaa kahortagay duullaan xalay saq dhexe wadajir ah ay usoo qaadeen ciidamada Kenya & jabhad ay diyaarisay oo ku talagalkoodu ahaa qabsashada Balad Xaawo taas oo dhabarjab ku ah qarannimada iyo madax bannaanida Soomaalyeed, ugu dambeyn falaagadii & ciidankii shisheeye ee la socday laga adkaaday” Wasiir Dubbe.

Wasiirka Warfaafinta XFS ayaa sheegay in ku dhaw 100-maxmuus oo dagaalka lagu qabay gacantooda ay soo galeen, balse waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in wiilal Soomaaliyeed dalkooda loo adeegsado iyada oo danno gaar ah laga leeyahay.

“Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed oo kaashanaya shacabka ayaa jebiyay cadawga waxaana gacanta lagu dhigay in ku dhaw 100 maxaabiis dagaal oo aan ka xunnahay in dalkooda loo adeegsado, sawirradooda waxa aan uga gaabsaneynaa arrimaha dhanka bani aadamnimada” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Wasiirka Cismaan Abuukar Dubbe ayaa dhinaca soo weeraray Ciidanka DFS ku eedeeyay in ay madaafiic & hoobiyaal ku garaaceen Magaalada, taas oo dhibaato u geysatay guryaha rayidka & Goobaha Ganacsiga sida uu hadalka u dhigay.

“Cadawga markii ay u suurageli waysay rabitaankooda waxa ay beegsadeen goobaha ganacsiga & dadka rayidka iyaga oo hoobiyaal iyo madaafiic ku garaacay Dhismaha rayidka waxaana ogtihiin in hal qoys ay ka geeriyoodeen 5-ruux, waxa ay koreen dhismo ay leedahay Shirkadda isgaarsiinta Hormuud waana qayb kamid ah qorshaha Kenya ee beegsiga Shirkadaha, In hormuud la burburiyo ma ahayn wax ka yimid caqliga wiilasheena balse waa qorshe ka yimid cadawga” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo ay Warbaahinta waydiisay sheegashada Madaxweyne ku xigeenka DG Jubbaland ee ah in ciidanka maamulkaas ay weerartay Dowladda Federaalka ayaa ku warceliyay in dagaal saq dhexe lasoo qaaday oo madaafiic lagu bilaabay uusan ahayn qadiyarad Jubbaland balse uu yahay mid shisheeye.

Cismaan Abuukar Dubbe Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in ay kahortageen hub culus oo dhanka Xuduudaha laga soo gelin rabay, mar la weydiiyay sababta ay usoo bandhigi waayeen waxa uu ku warceliyay in dabagalka uu u socdo isla markaana ay dhawaan soo bandhigayaan sida uu hadalka u dhigay.

COMMENTS