January 25, 2021 | Posted by admin

Ugu yaraan 11-ruux oo ay kamid yihiin 5-carruur oo walaalo ah ayaa dhimatay, waxaana ku dhaawacmay 15-kale, dhammaantood waa shacab sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka Degmada Balad Xaawo oo saacado ay ku dagaalamayaan Ciidamada DFS & Askarta uu wato Wasiirka Amniga DG Jubbaland Cabdirashiid Cabdinuur Janan.

Dhinacayda dagalamaya waxaa dhankooda gaaray Khasaare kala duwan, waxaana la xaqiijiyay in ay dhinteen 6-askari halka tiro intaas ka badan ay dhaawacmeen.

Ilo xog ogaal ah ayaa warbaahinta qaar u sheegay in khasaaraha ugu badan ee gaaray dadka rayidka ah in uu ka dhashay Madaafiic ku dhacday Xaafadaha Degmada Balad Xaawo, sidoo kale rasaasta qoryaha ku xiran & kuwa siliska leh ayaa meelo ka fog goobaha dagaalka ku waxyeeleysay dad shacab ah.

Dr Maxamuud Goomey oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Isibtaalka Balad Xaawo la dhigay ugu yaraan 14-ruux oo dhaawacyo kala duwan soo gaartay, waxaana laga daweynayaa waxyeelada ay kala kulmeen dagaalkaas.

Qof deegaanka ah oo ka gaabsaday magaciisa & codkiisa in aynu adeegsano ayaa Mustaqbal u sheegay in dadka shacabka isla xalay intooda badan ay ka barakacay Gudaha Magaalada Balad Xaawo, halka qoysaska kooban ay saakay isaga baxeen Degmada.

Dagaalka ayaa lasoo sheegayaa in uu istaagay Barqonimadii maanta, inkasta oo ay wali is hor fadhiyaan dhinacyada dirirtu dhexmartay oo ay suuragal tahay in marwaliba uu dib u bilaaban karo sida ilo kala duwan Mustaqbal ay u xaqiijiyeen.

Dowladda Federaalka & DG Jubbaland ayaa guullo ka kala sheegaya dagaalka ka dhacay Balad Xaaow, waxaana xiliyada qaar hawada laga saarayaa Isgaarsiinta, taasi oo sii cakirtay in xog laga helo ama ay wada xadlaan dadka iyo ehelkooda isku waayay colaadda.

COMMENTS