February 24, 2021 | Posted by admin

Maleyshiyaad Hubaysan oo kasoo jeeda Deegaanka dhabad ayaa nin Shacab ah oo deegaan ahaan Kasoo jeeda Cadaado ku dilay Duleedka Deegaanka Dacdheer oo dhaca Xadka Gobalka Galgaduud uu la wadaago Itoobiya.

Ninka la dilay Waxaa lagu Magacaabi jiray Cabdi Hassan Cadar Deegaanka Dilka Uu Ka Dhacay Waxaa Maantay Ka Jirta Xiisad U Dhaxeysay Dadka Deegaanka.

 Waxaana Aaga Dilku Ka Dhacay Horey Uga Dhacay Dilal Iyo dagalo Dhamaantood Salka Ku Haha Aano Qabiil.

Goballada Galgaduud iyo Mudug waxaa in Mudda ah ka taagan Colaad Beeleedyo galaaftay Nolosha dad shacab ah, waxaana wili Loo hilin xal in Laga Hortago Dhibaatooyinkaas

COMMENTS