February 24, 2021 | Posted by admin

Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibey ciidanka xoogga Dalka ee ku sugan jiida hore ee Magaalada Bacaadweyne, kaddib markii uu xiriiro lasoo sameeyay Saraakiisha Guutada 13-aad, Qaybta 21-aad ee qaybta ka ah howlgalada culus ee Alshabaab looga saarayo Deegaanada dhuumaaleysiga ay ku joogaan ee aaga Camaara.

Horjoogahan oo uu magaciisa Af-garashadu ahaa Cabdiqani, ayaa sheegay in uu ka tanaasulay fikirkii shabaab, wuxuuna codsaday in la cafiyo, haatanna uu diyaar u yahay in uu la dagaallamo Al-Shabaab.

Cabdule Xuseen Maxamuud, oo loogu yeeri jiray (Cabdiqani), ayaa sheegay in uu Al-Shabaab ugu soo baxay xasuuqa ay u geysanayaan Ummadda muslimiinta ah ee Soomaaliyeed, Dadkuna ay macna la’aan ku gowracayaan, isla maraakan uusan waxba ka qaban karin, sida ay Baahisay idaacadda Ciidamada qalabka Sida.

COMMENTS