September 21, 2020 | Posted by admin

Guddoomiyaha Waaxda Afaraaad  degaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in rag hubeysan ay afduubteen laba kamid ah ilaaladiisa xilli ay ku sugnaayeen deegaankaas.

Maxamuud Xaashi Cali oo la hadlay idaacad lagu Magacaabo Risaala ayaa sheegay in rag hubeysan oo watay Gaari nooca raaxada ah ay wateen laba askari oo kamid ahaa ilaaladiisa oo mid kamid ah hubeysnaa meel u dhow Xerada Asluubta e Waaxada Afaraad ee Garasbaaleey.

Waa mid kamid ah dhacdooyinka ku cusub dalka sanadihii ugu dambeeyay, iyada oo ay jiri jirtay in dad aan hubeysneyn la afduubtay ehelkoodana lacago la weeydiisto.

COMMENTS