September 21, 2020 | Posted by admin

Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka galmudug ayaa faah faahin guud ka bixisay dagaal Ciidamo ka tursan dowladda oo ay wehlinayaan kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab ku dhex-maray degaano ku yaalla duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

War kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamo isugu jira qeybta 21-aad, Nabadsigidda Galmudug iyo ciidamada AMISOM ee Djibouti ay goobtii 3–aad ka qabsaday Alshabaab deegaanno ay ku sugnaayeen bilihii la soo dhaafay ee kala ah Miir-Duugle, Bulacle iyo Ceel Cali Mire.

Saraakiisha safka hore ee dagaalka jooga ayaa kusheegay in Al-Shabaab ay isaga baxeen degaannada lagu dagaalamay, iyaga oo sheegay inay ka qabsadeen agab kala duwan oo uu hub ku jiro.

Sidooo kale waxaa ay sheegtay Wasaaradda Amniga Galmudug in weli howlgallada ay sii socdaan, isla markaana Ciidamada kala duwan ay sugayaan amniga degaannada lagu dagaalamay.

COMMENTS