September 26, 2021 | Posted by admin

Qof kale oo ah ruuxii lixaad ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah oo ku saabsan dilka wiil 18 jir ah la toorriyeeyay.

Cabdiraxiim Maxamed ayaa ku dhintay isbitaal ka dib markii laga helay dhaawacyo badan oo toorri ah. Wiilkan da’da yar ayaa laga soo qaaday waddada Melbourne, ee magaalada Leicester, 8-dii bishan September.

Zakir Brant, oo 25 jir ah, ayaa dacwad lagu soo oogay kaddib markii booliska ay xabsiga u taxabeen Jimcihii, iyagooo la xiriirinaya dilka Cabdiraxiim, wuxuuna ka soo muuqan doonaa maxkamadda Magaalada Leicester maalinta Isniinta ah.

Sidoo kale maalinkii Sabtida, booliska waxay soo qabteen nin lixaad oo isaguna looga shakisan yahay dilka.

Siddeed qof ayaa horay dacwad loogu soo oogay sababta la xiriirta geerida wiilkan kasoo jeeda Soomaaliya.

Dadka dacwadaha wajahaya ayaa kala ah:

– Mohammed Israfeel Gul, oo da’diisu tahay 27-sano jir, isla markaana ku nool New Way Road

– Daniel Pollard ooo isna da’diisu tahay, 29-sano jir, waxaa uuna kasoo jeeda xaafada Calder Road

– Mohammed Hansrod oo isna da’diisu lagu sheegay inay tahay, 29-sano jir, waxaa uuna deggan yahay Dulverton Road

– Abdul Hemid Suleman isna da’diisu tahay, 58-sano jir, waxaa uuna kasoo jeeda deegaanka Jupiter Close

– Bhavic Parmar oo da’diisu tahay 25-sano jir, waxaa uuna isna ku nool yahay xaafadda Bowling Green Street.

Raggan dhammaantood ayaa waxaa loo maxkamadeyn doonaa dilka Cabdiraxiim Maxamed.

Magaalada Leicester waxay ka mid tahay qaybaha ay Soomaalidu ka deggan yihiin dalka UK. Qaar badan oo bulshada Soomaalida ah ayaa halkaasi gaaray si nolol fiican ay uga helaan, kaddib dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya.

Balse dhallinyarada Soomaalida ah ee halkaasi ku dhaqan qaarkood ayaa waxa ay la kulmeen mowjado weerarro ah oo loo adeegsado mindiyo, taasi oo saamaysay guud ahaan Soomalida ku nool UK.

COMMENTS