September 26, 2021 | Posted by admin

Dowladda Qatar ayaa cambaareyn xooggan u soo jeedisay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay bar koontarool oo ku taalla Degmada Xamar Jajab, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay si adag ugasoo horjeedo ficilada argagixiso, waxayna kuwa dhaawacmay u rajaysay caafimaad deg -deg ah.

Dhinaca kale, khasaaraha ka dhashay qaraxii shalay ayaa sii kordhaysa, iyadoo tirada dhimashada ay ka badan tahay toban qof sida ay sheegayaan ilaha caafimaadka isbitaalada Muqdisho.

Waa markii ugu horraysay oo muddo sano ah kadib ay  Muqdisho  maalmo is-xiga xiga ay ka dhaceen qaraxyo ismiidaamin ah oo ay dad badani ku dhinteen.

Waxay kusoo aadayaan xilli uu khilaaf xooggan ka dhaxeeyo madaxda ugu sarreysa dalka, khilaafkaas oo fursad u noqon kara in amniga uu qalqal galo.

COMMENTS