October 1, 2020 | Posted by admin

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (cumar Filish), ayaa dhagax dhigay dhismaha xarunta Waaxda Kaawa Godeey ee degmada Dharkeenley iyo xarunta Caafimaadka ee hooyadda iyo dhallanka oo ay yeelanayso Waaxda Kaawa Godeey.

Munaasabadda dhagax dhigga dhismaha xarunta waaxda Kaawa Godeey ee degmadda Dharkeenlay Ee gobolka Banaadir, ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka degmadda dharkeenlay iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Guddoomiyaha Degmadda dharkeenlay ee Gobolka Banaadir mudane, Guhaad sheikh hassan, oo guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kaga mahadceliey dhagaxdhigga waaxdan, ayaa ka warbixiyey dhismaha waaxda kaawa Godeey iyo baahidda ay bulshaddu u qabto.

“Waaxda Kaawa Godeey ee Degmadda dharkeenlay waxay kamid tahay waaxyaha ugu weyn Degmadda, horey degmaddu Afar Waax ayey u lahayd balse Waaxdan ugu yar ayaa hadda u muuqata inay tagay Waaxda ugu weyn Degmadda dharkeenlay, waa Waax soo koreysa, dhismaysa, Goofna leh sido kalana deeggaan ah,  Maadama Waaxdan ay ku nool yihiin bulsho badan waxaan ku faraxsanahay inay yeelato Xarun Caafimaad (MCH), waxaana rajeynaynaa in baahiyihii bulshadaan haystay daboosho” ayuu yiri guddoomiye Gohaad.

Senater, Zamzam Daahir Maxamuud oo kamid ah mudanayaasha Golaha Aqalka Sare, ayaa kaga mahadcelisay Maamulka Gobolka Banaadir dhismaha Caasimadda iyo horumarka ballaaran ee ka socda Gobolka Banaadir, waxaana ay sheegtay in Bulshadda ku nool Caasimadda Soomaaliya ay u baahan yihiin Horumarin Caafimaad iyo mid dhaqaalaba.

COMMENTS