September 30, 2020 | Posted by admin


Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Galmudug Cali Dahir Ciid ayaa soo kormeeray xarumo ganacsi oo ku gubtay dab manta ka kacay Magaalada Dhusamareeb

Cali Dahir Ciid Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sido kale shaaciyay in Galmudug ay aduun dhan 22,000 oo Dollar ugu deeqday Gudiga ganacsatada ee ku howlan so iibinta Gadiidka Dab damiska oo ay yeelaato Magaalada Dhusamareeb


Madaxweynaha ayaa sido kale shaaciyay in Dowlada Galmudug ay canshuur dhaaf u sameyn doonto Ganacsatadii ku hanti beeshay dabka manta ka kacay Magaalada Dhusamareeb ila ay ka soo kabanayaan.


Sido kale Mudane Cali Ciid Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa ganacsatada Galmudug gaar ahaan kuwa Dhusamareeb ugu baqay in lo gurmado ganacsatadii ku hanti wayday dabkii manta ka dhacay Caasimadda Galmudug ee Dhusamareeb.


Kormeerkii manta u Madaxweyne kuxigeenka ku tagay goobtii u dabku ka kacay waxaa ku weheliyay Wasiirka Cadaalada, Wasiir kuxigeenka Maaliyada iyo Wasiir kuxigeenka Shaqada iyo arimaha Bulshada sido kale waxaa goobjoog ahaa Maamulka Caasimadda Dhusamareeb.

COMMENTS