September 8, 2021 | Posted by admin

Waxaa maanta ku eg saddexda cisho ee Ra’iisul Wasaare Rooble u qabtay in Agaasimihii NISA ee shaqada laga joojiyay inuu xilka ku wareejiyo Agaasimaha KMG Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Inkastoo Fahad Yaasiin uu safar dibadda ah, gaar ahaan dalka Turkiga ku maqan yahay ayaa haddana waxaa la dareemay dhaq dhaqaaq ciidan oo ka jira Xarunta Nabadsugida Qaranka ee Habar Khadiijo, waxaana lagu arkay Ciidan wata Beebayaal oo la soo dhigay waddada KM-0 iyo wadada dhanka Beexaani aada ee hormarta Hotel Global.

Ciidankan wata beebaayaasha ayaa lagu la magacaabaa Duufaan oo ah ciidan si gaar ah uga amar qaata Agaasimihii shaqada laga joojiyay, sidoo kalena ah ciidan isugu jira dhalinyaradii Shabaabka ka soo goostay ee lagu dhaqan celinayay Xero Sarendi iyo kuwo laga keenay Gedo.

Ciidankan Duufaan waxay ku lug lahaayeen isku daygii lagu difaacayay muddo kororsigii Farmaajo ee labada sano, sidoo kalena weerar ku qaaday hoyga Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ee Xaafada Mirinaayada.

COMMENTS