September 8, 2021 | Posted by admin

Midowga Musharaxiinta ayaa ku tilmaamay falalka uu ku kacay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ay yihiin kuwo baalmarsan dastuurka iyo sharciga dalka u degsan.

Qoraal ay soo saareenMidowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay in wareegtadan ay tahay mid lagu carqaladeynayo dadaalada Ra’iisul Wasaare Rooble ee ku aadan in baaritaan daah furan iyo cadaalad la marsiiyo Kiiska Ikraan Tahliil.

Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay ogaadeen in go’aanada Farmaajo ay yihiin kuwo loogu talo-galay in lagu khalkhal galiyo xasilloonida iyo ammaanka aan cagaha badan ku taagneyn ee dalka.

Sidoo kale, Midowga Musharaxiinta ayaa ugu baaqay saraakiisha ciidanka inaysan u hoggaansamin go’aanada madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday.

COMMENTS