September 5, 2022 | Posted by admin

Ciidanka ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Basra ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan cadeymo muujinaya baada ay argagixisadu ka qaadeysay dadka shacabka ah.

Sidoo kale waxay ciidanku Basra ka sii daayeen dad shacab ah oo kooxda u afduubnaa, kuwaas oo u badnaa ganacsato ay argagixisadu baad u heysatay.

Howlgalkaan ayaa u dhacay hanaankii loo qorsheeyey, waxaana lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Argagixisada, halka kuwo kalena nolosha lagu qabtay.

COMMENTS