October 24, 2021 | Posted by admin

Madaafiicdii maanta ku dhacday Isbitaalka Istarliin ee degmadda Guriceel ee Gobalka galgaduud ayaa sababtay burbur ku yimad qaar kamida dhismayaasha iyo Qalabka Isbitaalka. 

Sawiro ay heshay Warbaahinta  ayaa Tilmaamaya in Madaafiicdu burburisay Qalabkii isbitaalka gaar ahaan Qeybta  Raajada ee isbitaalka, taas oo sababtay in Shaqaalaha Isbitaalka ay naftooda kala baxsadaan. 

Xaalad jahawareer ah ayaa ka taagan gurceel waxaana wili socda Dagaalka oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo kuwa ahlusuna waljameeca mana jiro wax faah faahin ah oo Dowladda ka soobaxay

COMMENTS