October 24, 2021 | Posted by admin

Madaafiic ayaa ku dhacday Isbitaalka Istarliin ee degmadda Guriceel waxayna taasi sababtay in Shaqaalaha Isbitaalka ay naftooda uga baxsadaan, maadaama shalay ilaa xalay ay ku sugnaayeen Gudaha isbitaalka oo ay daweenayeen dadka ay wax yeeladu gaartay

 Isbitaalka ayaa wax shaqo ah ka socon maanta madaama uu saameyn xooggan ku yeeshay dagaalka maanta dhacay oo Hoobiyaal u badan. 

Isbitaalka Istarliin ayaa ku yaala Wadada isku xirta Schoolka Al Ma’muun iyo Jaamacadda ee dhanka Waqooyi berri degmadda Guriceel. 

Xaalada ayaa hadda degan waxaana Rasaas goos goos ah ay ka socotaa aaga Isbitaalka Istarliin iyo Jaamacadda.

COMMENTS