February 26, 2021 | Posted by admin

Warar lagu kalsoonyahay ayaa ii xaqiijiyay in go’aanka lagu bur buriyay dugsiga Hoyga Xamar, aysan hogaanka Booliska aysan Xog ka hayn tilaabaadan ayna ku ekayd shaqsiyaad kooban.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in taliyaha qaybta guud uusan sidoo kale uusan bixin amarka lagu bur burburinayay dugsiga Hoyga Xamar.

Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay hay’ado kale ay ku lug lahaayeen oo aysan ku ekayn Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Taliyaha Boliiska Soomaaliya oo Warbaahinta La hadlay ayaa sheegay in aan La aqbali doonin in Shaqsiyad ku dhax-gambanaya Magaca Dowladda ay Burburiyeen Schoolka Hooyga Xamar, gaar ahaan Qeybta Xanaanada Caruurta.

COMMENTS