September 23, 2020 | Posted by admin

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Caawa kulan la qaatay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Kulankan  oo ka dhacay hooyga Gudoomiyaha aqalka sare  ayaa lagaga hadlay Xaalada dalka, iyo Arimaha Doorashooyinka.

Axmed madoobe oo Muddo ku dhaw 3 Todobaad ah joogay Muqdisho ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadanayay Madaxda Dowladda iyo siyaasiinta caanka ah.

Waxaa  dhawaan Qoraal ka soobaxay Madasha xisbiyada qaran lagu shaaciyay in Hogaamiyaasha Maamul gobaleedyada aysan ka laaban Muqdisho inta  Laga meel marinayo Heshiisyadii dhanka Doorashooyinka in kastoo ay laabteen Qoor qoor iyo Laftagareen

COMMENTS