September 23, 2020 | Posted by admin

Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo dowladda Ingiriiska oo war ka soo saaray ansixinta ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa hambalyo iyo dardaaran u diray Maxamed Xuseen Rooble.

Ugu horeyn xafiiska Qaramada Midooobey ee Soomaaliya oo uu hoggaamiyo James Swan ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyey inay guulo u rajeynayaan ra’iisul wasaare Rooble oo xilkaan loo igmaday xilligan oo xaaladda dalku ay mareyso meel xasaasi ah.

“Qaramada Midoobey si diirran ayey u hambalyeyneysaan Maxamed Xuseen Rooble, markii la xaqiijiyey inuu yahay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxay u rajeynayaan guul, madaama uu la wareegayo doorkan hoggaamineed ee muhiimka ah xilli xasaasi ah taariikhda dalka, wuxuuna u xaqiijinayaa taageerada Qaramada Midoobay, isku duubnida iyo iskaashiga” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, UNSOM.

Sidoo kale safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa qoraal kooban oo uu ka soo saaray ansixinta ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya waxa uu u rajeeyey inuu dalka gaarsiiyo guulo la taaban karo.

“Ergada Midowga Yurub ee Soomaliya waxay hambalyo u diraysaa Maxamed Rooble oo loo ansixiyay in u noqdo Raisul Wasaaraha Xukumada Federaalka Soomaliya. Waxaan u rajaynaynaa guul wax ku ool ah u ka gaaro dhabaha degaanashaha, ka wada qeyb qaadasho iyo in Soomaliya gaarto baraaro” ayuu lagu yiri qoraalkan oo ka soo baxay xafiiska safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga.

Safiirka UK ee Soomaaliya Ben Fender ayaa isna yiri, “Hambalyo diirran ayaan u dirayaa Maxamed Rooble oo loo xaqiijiyay inuu noqday ra’iisul wasaare, isagoo taageero ballaaran ka helaya mudaneyaasha baarlamaanka, u fiirso wada shaqeynta ugu dhow ee ahmiyadaha la wadaago, sida dib u habeynta dhaqaalaha iyo amniga, wax ka qabashada Al-Shabaab iyo caawinta kuwa ugu nugul. Hambalyo.”

Hambalyada xubnahan beesha caalamka ayaa imaaneysa xilli maanta golaha shacabka la hor geeyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo 215 xildhibaan oo fadhiga maanta soo xaadirtay ay u wada codeeyeen.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Rooble ayaa halkaas ka balanqaaday sideed qodob oo ay ku jirto dhismaha xukuumad tayo leh oo dalka gaarsiin karta guulaha lagu taamayo.

COMMENTS