October 11, 2021 | Posted by admin

Wararka laga helayo degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka Ciidamada Ahkusunna ee dhawaan la wareegay degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ay isaga baxeen, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Ahlusunna oo wata dhowr vaari oo kiwa dagaalka ah ay fariisin ka saneysteen degaanka labi-hiiraan oo kuyaal xadka kala qaybiya Hiiraan iyo Galgaduud, halkaas oo ay ka dhigteen  aKastamka Canshuuraha ay ku qaadi doonaaan.

Ciifamada Ahlusunna ayaa markii ay la wareegeen degmada Matabaan waxaa ay Canshuurta Gaadiidka uga qaadi jireen Kastamka degmadaas, hayeeshee waxaa Maanta Canshuur ku qaadaya Maamulka degmadaasi Matabaan.

Saraakiisha Ciidamada Ahlusunna weli wax faah faahin ah kama bixin sababaha keenay inay si nabad ah uga baxaan degmada Matabaan oo kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin Ururka Ahlusunna Waljamaaca.

COMMENTS