September 29, 2021 | Posted by admin

Waxaa weli Xarunta teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ka socota doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ee Soomaliland, waxaana la doortay kursiga labaad ee Aqalka Sare.

Kursiga labaad ee doorashad ayaa waxaa ku tartamay Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaliya Saalax Axmed Jaamac & Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Ibrahim Iidle Suleymaan, waxana kusoo baxay Saalax Axmed Jaamac.

Wasiirka Dastuurka Soomaliya Saalax Axmed Jaamac oo kursiga Aqalka Sare ku guleystay ayaa waxaa uu helay 29 Cod halka Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Ibrahim Iidle Suleymaan uu helay 12.

Goordhow ayaa waxaa billaabnayesa doorashada Kursiga Saddexaad ee Aqalka Sare, kaas oo ay ku tartamayaan, Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, Prof. Cabdi Ismaacil Samatar & Cabdiraxmaan Cismaan Cali.

COMMENTS