May 7, 2021 | Posted by admin

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed S/G Cabdi Xassan Maxamed Xijaar, Taliye K/xigeenka Booliska Jeneral Cisman Cabdullahi Maxamed Kaniif, Taliye K/Xigeenka CID-da Col. Dahir Maxamud Tuuryare iyo Afhayenka Police-ka Saadaq Aadan Cali ayaa Caawa kulan booqasho iyo Salaan ah ugu tegay Hoygiisa Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Hassan Sheikh Mohamud.

kulanka ayaa looga hadlay Doorka Police Soomaaliyeed ee Nabadda iyo is dhaxgalka Bulshada Soomaaliyeed.

Waxuu ahaa Kulan Xasaasi ah oo ku soo aaday xili Mirinaayada oo uu deganyahay Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud Laga qaaday Maanta Ciidamo farabadan oo ka soo Horjeestay Madaxweyne Farmaajo.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Dhawaan shaaciyay in Gurigiisa ay weerareen Ciidamo ka Tirsan dowladda oo ka amar qaata Farmaajo, waxaana Caawa xalka ka dib salaan ugu tegay Saraakiisha Boliiska Soomaaliya

COMMENTS