September 22, 2021 | Posted by admin

Maamulka la magacbaxay Somaliland ayaa ka hadlay doorashada ka dhacaysa dalka Soomaaliya waxana qoraal ka soo baxay maamulkaas lagu sheegay inaysan wax shaqo ah ku laheyn doorashada Soomaaliya.

Somaliland waxay digniin u dirtay siyaasiyiinta Soomaaliya ee caalamka ee u gudbinayo waxa ay ku tilmaantay marin habaabinta.

Qoraalkan kasoo baxay Wasaarada Arimaha dibadda maamulka Somaliland oo loo diray Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo qaar kamid ah wadamada caalamka ayaa lagu sheegay in aysan shaqo ku laheyn Doorashada Soomaaliya.

Halkan ka aqriso qoraalka ka soo baxay Maamulka Somaliland

COMMENTS