September 14, 2021 | Posted by admin


Muuse Suudi oo mar kale loo doortay Senator Aqalka Sare ka tirsan

Muuse Suudi Yalaxow ayaa mar kale loo doortay Senator ka tirsan golaha Aqalka Sare ka dib markii Caawa doorasho xiiso  badan ay ka dhacday magaalada Jowhar.

Muuse Suudi Yalaxow ayaa noqday Senatorkii ugu horeeyay ee ka soo baxa Dowlad-goboleedka Hirshabeelle waxa uuna helay 55.

Axmed Daaci oo wareega 3-aad kula tartamay ayaa helay 43 cod.

Doorashaddaan ayaa lagu tilmaamay in ay aheyd midii ugu wanaagsaneyd doorashooyinkii maamul goboleedyada Aqalka Sare.

COMMENTS