October 22, 2021 | Posted by admin

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta booqday xeebta Liido halkaas oo uu waqti kula qaatay shacabkii u nasasho tagay, waxa uuna bulshada ku boorriyay in ay qeyb ka qaataan nabadda iyo xasilloonida caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Rooble Ayaa waxaa Booqashadiisa ku Wahlinayay Wasiiro ka Tirsan Xukuumadda Soomaaliya sida Wasiirka Amniga Mudane Cabdullahi Maxamed Nuur iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Alcadaala.

Ra”isul Wasaaraha ayaa la Kulmay Bulshada qeybaheeda Kala duwan waxuuna Mid mid ula Kulmay dadkii Ku sugnaa Xeebta iyo Hotelka Elite

COMMENTS