April 30, 2011 | Posted by admin

Madaxweynaha dwoladda Federaalka KMG ee Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay golaha wasiirrada oo uu hoggaaminayo R/wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed.

Kulanka oo ay dhamaan xubnuhu isku dhaafsadeen aragtiyo ku aaddan sida loo gudbi karo marxaladda kala guurka waxaa khudbad ka jeediyay inta badan masuuliyiintii ka qeyb gashay oo u badnaa Xildhibaano ka tirsan xukuumadda.

Madaxweyne Shariif oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in xukuumaddu ay muujisay horumar dhinaca ammaanka ah, isagoo ku boorriyay in ay sii laba laabaan siina xoojiyaan dadaalka dalka looga sifeynayo khawaarijta Shabaab.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ka hadlay siyaasadda, wuxuuna sheegay in uusan diiddaneyn in doorasho ay dalka ka dhacdo hase yeeshee uu talo ahaan soo jeediyay in laga wada tashado tallaabooyinka la qaadayo, wuxuu tilmaamay in uu doonayay in go’aanka ku saabsan muddo kordhinta Baarlamaanka uu mudanayaasha la tashi kala sameeyo markii laga soo laabtay Shirkii IGAD ee ka dhacay Adis, sidoo kale markii ay go’aanka gaareen baarlamaanku uu soo jeediyay in la wada tashado balse aan taladaas Baarlamaanka la hor geynin, wuxuna ku nuuxnuuxsaday in dalka ay masuuliyadi ka saran tahay dhammaan hay’adaha dastuuriga ah, in ay badbaadiyaana ay waajib tahay.

R/wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa isna ka hadlay xaaladda uu dalku marayo iyo howl galladii ay ciidamadu ka sameeyeen gobollada dalka, wuxuuna sheegay in guulo laga gaaray dagaallo ay cidamada qaranku ay la galeen khawaarijta Shabaab oo ka dhacay gobolka Gedo iyo Jubada Hoose.

Wasiirradii iyo ku xigeennadii ka qeyb galay kulanka ayaa ayaguna soo jeediyay talooyin muhiim ah oo ku aaddan sidii loo xalin lahaa khilaafka siyaasadeed ee jira, waxayna ku nuuxnuuxsadeen in loo baahan  yahay in tanaasul badan la sameeyo si loo gaaro go’aan la isku raacsan yahay oo dalkana badbaadin kara.

COMMENTS