August 30, 2010 | Posted by admin

Nairobi: Xaflad si weyn looga soo shaqeeyey oo lagu soo dhaweynayey dhismaha maamul goboleedka Waax iyo Waadi State ayaa xalay lagu qabtay hotelka Six-Eighty ee magaalada Nairobi.  

Xaflada waxaa soo agaasimay Cumar C/qaadir Axmed Fiqi “Shariif” ayaa waxaa ka soo qeybgalay dad kor u dhaafayey 100-qof iyo ka badan oo ahaa qeybaha bulshada Mudulood ee Kenya ugu magaca dheer sida ganacsato , waxgarad , siyaasiyiin iyo aqoonyahano isugu jira rag iyo Haween.  

Abaabulihi xaflada Cumar Shariif oo afurka kadib lagu soo dhaweyey codbaahiyaha si uu sharaxaad uga bixiyo isu imaatinka iyo ujeedada ayaa hadal dheer oo uu ka soo qeybgalayaashi u jeediyey waxaa uu ku sharxay marxaladihi la soo marsiiyey qorshaha lagu dhisayo maamulka Waax iyo Waadi State ee wali ku jira dhismaha.  

 Waxa uu sheegay in magaca marka hore laga soo minguuriyey oraah can aheyd oo uu qarni ka hor tiriyey abwaanki caanka ahaa Faarax Seefey ee aheyd “Waax iyo Waadi oow dagyaa ismana waayo wiil abgaal”. Waxa uu sheegay in magaca uu ku fadhiyo murti fog oo koobeysa dhulka uu Mudulood dago laga so bilaabo afaafka Xarardheere ilaa deegaanka Turdhe ee G/J/Hoose. Cumar Shariif ayaa ugu baaqay ka qeybgalayaashi xaflada iney ka gudoomaan fariin uu uga soo qaaday aas aasayashii reer London oo ah in la gaarsiiyo Geeska Afrika si dadka loo baraarujiyo.Waxa uu ka qeybgalayaasha sidoo kale u sheegay iney magacaas dadka baraan oo ay ku faanaan inta laga gaarayo ku dhawaaqidiisa oo uu sheegay ineysan cid gaar ah dani ugu jrin balse qof walba oo Mudulood ah uu ku nafcin doono . “Fariinti la ii soo dhiibay waa idin soo gaarsiiyey wixi hada ka dambeeya adinkaa la adinka rabaa inaad soo xulataan dadki idinku matali lahaa conmgareeska sare “ayu ku soo gunaanaday Cumar Shariif hadalkiisi.  

 Dahabo Cumar oo ah gabar rugcadaa siyaasadeed ah oo xilal sar sare ka soo qabatay dawladihi kacaanka oo hadashay ayaa sheegtay in midnimada ay asal u tahay dhismaha wax walba oo la damco ,waxaana ay ku baaqday muhimada midnimada iyo isu duubnaanta ayadoo ka digtay in la is fiir fiiro. 

  

Sidoo kale Tahliil Shaatax oo ka mid ah xubnaha ugu caansan bulshada rayidka oo isna hadal kooban jeediyey ayaa amaanay gudiga ku fakaray dhismaha maamulka , waxaana sheegay in dhismaha maamulka uu ahaan doono mid wax ka tara deeganada Beelweeynta Mudulood dagaan.      

 

   

   

   

   

 

 

 

 

Xubnaha caanka ah ee ka soo qeybgalay xaflada waxaa ka mid ah.  

  1. Dr:Xasan Shiikh
  2. Prof:Yaxye Shiikh Caamir
  3. Ganacsade. Adan Hilowle (Adan Qarabax)
  4. Marwo Dahabo Cumar
  5. Yusuf Max’ed Axmed
  6. Cumar Shariif 
  7.  Fanaanada Shamaso Macalin
  8. Suldaan Xeyle
  9. C/qaadir Axmed Cali Shabad
  10. Tahliil Shaatax

   

   

   

 By. Nairobi Duhur News Room  

COMMENTS