July 18, 2021 | Posted by admin

Midowga Musharaxiinta oo galabta illaa caawa shir uga socday Hotelka Jazeera ayaa ka soo saaray war saxaafadeed ay uga hadlayaan xaalada doorashada iyo caqabado ay sheegeen in haddii aan xal degdeg ah loo helin inay dib u dhac ku keeni karto habsami u socodka doorasho hufan oo loo dhan yahay.

Qoraal ay ka soo saareen kulankan Midowga Musharaxiinta ayaa waxa ay ku sheegeen inay walaac xoogan ka muujinayaan in doorasho xor iyo xalaal ah ka dhacdo dalka ayna waqtigii lagu heshiiyay ay ku qabsoonto.

Golaha ayaa ku sababeeyay walaaca ay ka qabaan doorashada arrimo ay ka mid yihiin;

-kala qeybsanaanta ka jirta guddiyada gobolada Waqooyi ee labada garab ah.

-Xaalada gobolka Gedo oo ay ku tilmaameen inaan weli heshiis laga gaarin.

-Caqabadaha amni ee ka taagan gobolka Hiiraan.

-Dhaqaalihii doorashada oo aan meel la saarin iyo U diyaargarowga Doorashada Aqalka Sare oo aad u hooseysa.

Sidoo kale Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inay welwelsan yihiin faragelin uu ku haayo habsami u socodka doorashada Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.

COMMENTS