March 28, 2014 | Posted by admin


Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in xaafado katirsan magaalada saakay lugu arkay meydadka saddex qof oo rayid ahaa.
Goobjoogeyaal ayaa u sheegay Bar-kulan in meydadka saddexda qof oo laga helay meelo kala duwan oo gudaha magaalada ah, la geeyay isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.
Lama garanayo sababta iyo cidda ka dambaysay dilka saddexda qof ee ka tirsanaa shacabka magaalada.
Sarkaal ka tirsanaa ciidamada maamulka KMG ah ee Jubba ee ka taliya Kismaayo ayaa shalay lagu dilayay qarax lagula eegtay gaarigiisa gudaha magaalada Kismaayo.

COMMENTS