November 11, 2015 | Posted by admin

Dowladda Mareykanka ayaa mallaayiin dollar dul-dhigtay madaxa lix ka mid ah Hogaamiyeyaasha Shabaab, iyadoo abaal marintan lacageed la siinayo cid kasta oo keenta akhbaar la xiriirta hogaamiyeyaashan.

Waaxda Abaal marinta Cadaaladda ee Mareykanka ayaa lix milyan oo dollar dul dhigtay madaxa Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyda, kaasoo bishii September ee sanadkii 2014 noqday Hogaamiyeyaasha Shabaab, kadib markii Mareykanka ay dileen Axmed Cabdi Godane.

Sidoo kale waxaa iyana min shan milyan dollar la dul dhigay Mahad Karatey, Macalin Daa’uud iyo Xasan Afgooye oo ka tirsan madaxda Al-Shabaab.

Saddexdan xubnood ayaa lagu kala eedeeyay ka qeyb qaadashada shirqoolo dil, maleeegista weeraro ka dhan ah dowladda iyo bartilmaadyo reer galbeedku ay leeyihiin iyo askareynta dhalinyarada.

Waxaa sidoo kale min saddex milyan oo dollar la dul dhigay Macalin Salmaan iyo Axmed Iimaam Cali

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ku eedeysay Macalin Salmaan inuu madax u yahay dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka soo jeeda dalalka Africa.

Axmed Iimaam Cali ayaa isna la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsan yahay askareynta dhalinyarada Kenyanka, isla markaana lacago u soo uruuriyay.

Mareykanka ayaa sanadkii 2008-dii Al-Shabaab u aqoonsaday urur argagixiso, waxaana uu fariisiyay dhaqaalaha hogaamiyeyaashooda, waxaa uu horay lacago mallaayiin dollar u dul dhigay hogaamiyeyaal dhowr ah oo uu ku jiray hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab Axmed Godane, kaasoo lagu dilay weerar bishii September sanadkii 2014 ka geystay meel ku dhow degmada Baraawe.

COMMENTS