October 23, 2021 | Posted by admin

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ambasador Jemes Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay dadejinta howlaha Doorashooyinka, Amniga, bini’aadanimada, iyo dardargalinta Mashaariicyada UN-ka u hayaan Hirshabeelle.

Ambassador Jemes Swan ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen doorashadii aqalka sare ee ka dhacday Magaalada Jowhar oo u qabsoontay si daahfurnaan ah.

COMMENTS