October 11, 2010 | Posted by Duhur

Wasiirka arrimaha Dibadda Jabuuti-Maxamuud Cali Yuusuf oo ka hadlayay Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Magaaladda Jabuuti ee Wadanka Jabuuti ayuu ku sheegay in Dalkiisu uu Ciidamo u dirayo Wadanka Somalia, kuwaasoo qayb ka noqonaya Hawl Galka Nabad Illaalinta Midowga Afrika.Mudane Maxamuud Cali Yuusuf waxa uu intaasi ku daray inay Ciidamadaasi go’aansadeen inay u diraan Dalka Somalia markii ay Dawladda KMG ah ee Somalia ka codsatay sidaasi Wadankiisa, Wuxuuna sheegay inay haatan soo dirayaan Khuburo Milatari oo hor dhac ah.

Maxamuud Cali Yuusuf waxa uu dhinaca kale sheegay in ay ka furayaan Dalka Jabuuti Labo Xero oo mid ka mida lagu tababarayo Ciidamadda Dawladda KMG ah ee Somalia iyo mid lagu dhaqan celinayo Burcad Badeeda Soomaalida ah.

Waa markii ugu horaysay ee Dawladda Jabuuti oo ka mida Wadamadda Deriska la ah Somalia ay ku dhawaaqdo inay Ciidamo u soo dirayso Somalia qayb ka noqonaya Hawlgalka Nabad Illaalinta Midowga Afrika. Waxayna Jabuuti ka mid tahay Wadamo dhawr ah oo ka tirsan Midowga Afrika kuwaasoo horay u ballan qaaday inay Ciidamo Nabad Illaalin ah u soo dirayaan Somalia.

COMMENTS