May 16, 2011 | Posted by admin

Duhur-Yuusuf Maxamed Siyaad oo ka mid Saraakiisha Ciidamada dawladda Federaalka Soomaaliya oo war baahinta waraysi siiyay ayaa ka war bixiyay dagaaladii u danbeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyo saameynta ay reebeen.

Gen. Indhacadde ayaa hoosta ka xarriiqay in dagaaladaasi ay aad ugu dhawaadeen Suuqa Weyn ee bakaaraha isla markaana ay ciidamadu horumar ka sameyeen Dagaaladaas.

Indhacadde ayaa hoosta ka xarriiqay in shacabka ku dhaqan bakaaraha ay yihiin shacabdooda, kuwa ka ganacsadana ay yihiin shacabkooda kuwa u dukaameysi iyo xamaal tagana ay shacabkooda yihiin isla markaana ayan raali ka ahayn ha yaraatee in wax dhibaato ah ay soo gaaraan isagoona ugu baaqay xarakada shabaab in aysan godad ka qodan gudaha suuqa bakaaraha.

Sarkaalka ayaa xusay in suuqa bakaaruhu uu yahay goob ganacsi ee uusan ahayn goob dagaal sidaa darted wuxuu ugu baaqay ganacsatada halkaa ku sugan si ay hantidooda ugu bad baaddo in ay halkaa isaga soo baxaan hantidoodana ka bad baadsadaan.

Indha cadde ayaa sheegey in ujeedkiisu uusan ahayn inuu suuqaa xirmo maxaa yeeley ayuu yrii suuqaasu waa suuq caalamai oo suuqyada caalamka ku level ah sidaa darteedna ay haboonaan lahayd waa siduu hadalka u dhigaye in inta laga xoreynayo ciidamada cadowga uu ku sheegey in shacabka ay isaga baxaan markii la xoreeyana ay dib ugu soo laabtaan waa siduu hadalka u dhigaye.

Genanka ayaa ka codsaday shacabka soomaaliyeed in ay ciidamada dawladda gacan ku siiyaan sidii halkaa looga saari lahaa ciidamada xarakada shabaab oo uu sheegey in ay yihiin kuwo nabadda ka soo hor jeeda isla markaana aan shacabka nolol u ogoleeyn.

Mar uu ka hadalayay indhacadde wadadii far jano oo dagaaladii maalmahan ka soconayay Madaalada Muqdisho ku xirmay waxa uu sheegey in dhankooda aysan jirin wax wadda ah oo ka xiran horeyna ay u balan qaadeen I wadada dabka la istcmaalo haatan ay weli sidii hore ay ka tahay balantii ay hore u qaadeen.

COMMENTS
  1. C/llaahi Jaamac Yusuf said:

    Ar xaa ku dhagar ah, waxaow rabaa inow dariiqa u galo markii
    ay guuraan, hadda meelow u marow waayey. Mooryaan xaan ka dhegeysehayna.